Wax Akhri waa Kalimadii oogu horeysay ee Nabigeena NNKH lagu soo dajiyay waxayna ka dhigantahay Ogeysiis in Hormarka Nolosha Aadanah Aas aas u yahy wax Akhrinta , Cilmigu waa hagaha nolosha Addun iyo Akhriba qofkii wax ubarto inuu hormar ka gaaro Addun iyo Akhro wuxu u dhawanaya Eebe weyne SCW .
Jahliga waa Mugdiga inagu tuuro dhibatada iyo horey usocod la'aanta . iskuday inaad wax akhrido malinkasto ugu yaraan 30 daqiiqo ama 1 sac waxad yagleeli kartaa inaad waxbadan gaartid ee noloshada kamid ah , sidokale u yeel naftada Maktab aad wax ka akhrisatid adigoo barayo ilmahaga inaad u kexeysid ama aad bartid hanaanka wax akhriska .
inta badan hadii aad dareentid in aadan waqtigada ka faideysan ama aad ka qooma meyso waqti kaa tagay ama aad dib dhaca Dalkada iyo Dadkada aad dareento hadaba ha aaminin in ay jiraan Ree Galbeed inagu soo duulay ee waxbadan ka ogow dib dhaca wax akhrin la'aaneyd ee Naftada iyo dadka aad la noshahay kadib isku day inaad waxbadan ka badali kartid .
qofkasta oo muslim ah waxaa qasab ku ah inuu kaalmeyo/saacideyo walaalkiis kale ee muslimka ah lakiin waxa jiro kaalmo ama saacideyn ka weyn midda walalka muslimka ah ee inala amray waana Naftaada . hadii aadan saacideyn Naftada qof ku saacideynayo maloho yacnii iskudaay inaad wax akhrido ama aad kobciso naftada kadib gaar yoolka nolosha aad ka leedahay , sidokale raadi fursadaha shaqo ee aad helikartid adigoo naftaada barayo hananka aad ku heli laheyd shaqo .
waxa jiro in inta badan oo dadka kamid ah aaminsanyihiin Ibdaca ama inaad wax cusub latimadid ku xirantahy inaa tahy qof maskax leh lakiin mahan xaqiiqda sidaas maxa yeelay waxkasta waxay ku xiranyihiin inaad la timaadid iskuday iyo baritaan ama barasho . qofkasta oo waxbadn naftiisa bara wuxuu awooda inuu waxbadn ikhriraaco .
Guusha waxay leedahay hanaan loo maro ama shuruud ay muhiim tahay inaad latimaadid waxana kamid ah inaad tahay akhriste wanaagsan sidokale waxan jiro 3shardi ay muhiim tahy inaad yelatid :
1. jaceyl ; hadii aad isku daydid inaad baratid waxadan jecleyn waad baran karta lakiin suurta gal mahan inaad inaad kaga hormartid dadka kale ama aad kaalin muhiim ah ka gaartid . hadaba iskuday inaad jeclatid waxa aad jeceshahay .
2. rabitaan xoogan ; hadii aadan hibo ama aadan ujeen jeneyn waxa aad rabtid surtagal mahan sidokale inaad guul ka gaartid .
3. fursad ; iskuday inaad aadid ama aad joogteysid melaha aad fursadaha hormarkada aad ku gaari kartid haisku xirin durufaha iyo mesha aad ku noshahay taas mahan mid waliga kula soconeyso .
Nolosha aan ku noolnahay waa mid tartan inagula jirto taasna waxa ina barayo Nabigeena NNKH wuxuuna yiri '' ka faideyso shan ka hor shan noloshada kahor intadan dhiman , cafimadkada inta aadan jirran , hodontimadada inta aadan faqiirin , firaqadada inta aadan mashqulin , dhalanyarnimadad inta aadan duqobin '' .
Tartanka uu Nabigeena csw ina baray waxaa kaliya ee ooga faideysan karna waa inaan kor u qaadno wax akhriskeena iyo aqoonta nafteena . ka faideyso Rmadanka oo Akhri waxbadan iskuna day inaadnoloshada wax kabdashid .
lawaddag si asxabtada si'aan kor oogu qaadno wacyiga iyo hormarka nafteena walalaha kale .
MAHADSANID
ليست هناك تعليقات:
إرسال تعليق