الأربعاء، 22 أبريل 2020

GORFEYTA BUUKA . GARBADUUBKII GUMEYSIGA

Diyarinta: abdulazee rooble Mohamed
Magaca buugga: GARBADUUBKII GUMEYSIGA qoraaga faarax maxamed j."cawal"
Taarikhda laqoray :1978
Nooca: taarikhda soomaliya iyo halyeeyaddi iyo garbaduubkii gumeysigii faransiiska Talyaaniga ingiriiska iyo xabashida
Buuggan Waxaa qoray faarax maxamed jaamac 《cawal》waxaana soosaray wassaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Akadeemiyaha dhaqanka sidda ku xussan.
Faarax maxamed jaamac wuxuu tacliinta hoose ku soo qaatay magaalada cadmeed, hase ahaate wuxuu kasoo dhoofay 1952 wuxuu magaalada hargeysa ka galay Dugsiga farsamada gacanta wuxuuna markale u aaday dalka ingiriiska magaalada london (1959-1961) halkas buuna ka qaatay shahaado ingiriis ah "Chelsea college automobile ". Buuggan ma aho kii oogu horeeyay uu qoro wuxuuna horey uqoray buug magaciisa layiraahdo "aqoondarro waa unacab jaceyl " ee soo baxay 1974kii

HORDHAC
Sidda aan kor ku soo xusay buuggan magaciisa waa "GARBADUUBKII GUMEYSIGA" waxaadna ka dhadhamineysa in uu xanbarsanyahay farrin horey aad u maqashay iyo midkaleba .
Ayadoo qaarada afrika ama sida looyiqiin waa yihii hore qaaradda madow Qoraxdiyo dayaxu kaga soo baxaan badweynta badweynta hindiyo taaso looyiqiin waagii hore "land of punt " ama dadkii moxorka iyo waydiga oo udgoonka badnaa . Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed.
Sida la ogyahay Waxaa ku nool geeska afrika dad soomaaliyeeda nasiib wanaag dad isku mid ah isku diin isku dhaqan ah oo isku dhiig ah waxayna ahaan jireen dad ku noola qaarumo fara badan nabad iyo nolol markii laga soo bilaabo shirqolkii Barliin 1884 ee qaaradda afrika reer yurub ku qaybsadeen (scramble of Africa) illa qarnigi 20aad asago u qaybiyay 5 qaybood .
Haddaba ayaddo ayaha soomaliyeed sidaas yahay muddo qarni ku dhow ayaa waxa u waheliyay cadadis iyo Hagar damooyin lagula kacay iyo dhaqan guurin sidda afrikada kaleba laqabtay wax taarikh ahna laga qorin aana ka aheyn mid uu ajnabiga qoray taas oo dubaqa dad ka soomaaliyeed galeyn una adeegeyso danaha ajnabiga , waxaana suurta gal aheyn in ay dadkii waagas ayna tariikhda qorin sababtoo ah afka soomaliga oon waagaa qorneyn awadeed intii ka horeysay kacaanka hanti wadaagga ahaa .
Waxaa soo jiren ah in dadka soomaaliyeed isuga tabin jireen tarikhda muridda iyo suugaanta oo malin walba dareenka dadweynaha iyo waxa xaal aduun yahay cabbirijiray.
Sidaa owged Buuggan ku magacaban "GARBADUUBKII GUMEYSIGII " isku xirayaa wixii tagay oo tariikhda dadka soomaaliyeed iyo waxa jooga iyo murugada ay qabto kana dhashay dulmiga loogeystay illa iyo manta taagan oo kala furfuray wadajirkooda una ugeysteen fransiis Talyaani ingiriiska iyo xabashhida inkastoo ay kala waxyeelo yareen in ingriiska oogu daqaro waaweynaa oo wixii soomaali gaaray afar meelod saddsax buu mas'uul ka ahaa markuu heshiisyo xaqdarro layeeshay dadka soomaaliyeed halka xabashhidana layeeshay soomaalon waxba ka ogeyn 1884 1887 iyo 1948 1954.
Waxan dhihi karaa buuggan asago isku day yahay haddana wuxuu soo koobaya gumeysigii iyo imbeeryaalayaddi isku soo kaashaday dalka soomalia iyo halgannaddi ay kala hortagtay wuxuuna dhexmaray Oday da'weyn oo lagu magacaabo samakaab Colaad oo ku noolaa howdka xabash
idda dadka soomaaliyeed ka heysato waxayna dhexmartay asaga iyo inan uu dhalay oo lagu magacaabo Goobdoon waxana ka afeefanayaa in aan buugan waqti aan ku soo goobo helin lakin aan in badan oo qaybo ka qori doono .
TAARIKHDII UU BUUGGA KU BILOWDAY
Goobdoon oo fasax ah :
Waxay ku bilabadtay sidda tan
Ayadoo barqo gaban tahay oo cirka cusubyahay iyo dabeyl foore oo saxansaxa udgon lihina xagga konfur barri ka dhaceyso ayna dayr barwaaqo ahna tahay ayaa Gobdoon oo 28jir ah baabuur niisan ah oo shacab leeyahay ka raacay Hargeysa isagoo u jeeday reerkoodii oo yaalay meel miyi ahaa oo xagga kaga began xuduuda MOLIHI wuxuuna ahaa in ingiriiska wax ku soo bartay asagoo dowladda ooga shaqeynayay Hargeysa waxaana baabuur ka wadde ka ahaa Nin layiraahdo Heybe dhunkaal wuxuuna ahaa nin sheekoyinka iyo murtidda aad u yaqiinay waxana jirtay sheeko dhex martay asagga iyo Goobdoon kuna bilabatay in nin Goobdoon u ekaa qiso qabsatay oo xabadhidda sixun u dileen iyo sheeko kale oo ku dhacday nin soomali ah oo dameer loo maxkamadeeyay oo goob joog loo ahaa kuna muteystay dil waagii danbe .
Wuxuu sheekaddi soowaba Waxaa lasoo galay habeyn nimo iyo dhulkii ay xabashadda haysatay wuxuuna Heybe dhunkaal dadkii u sheegay in meel qatar lasoo galay in lais difaacana larabo wuxuuna hadalkii ku bilabay " walalayalow waad ogtihiin meesheynu soo galnay waa dalkeenii hase ahaate col iyo cadaawe bahalkii xabashiyeed baa daggan oo dadkii soomaliyeed ku dhacda malin walba markaas haddey ina maagan waa inaynu iska celinaa waxeynu ku dagaal galeynaa gabaygii uu yiri faarax nuur :
"Lix halkaad ku joogtan dagaal laabta ka ogaada haddi luqunta laydin jaro lugaha meermeersha "
Waxayna ku dhaheen waatahay nagu halle waxba innagama qaadeysee lakin nasiib markiiba waxa ka horyimid 5baabuur oo ciidan xabashidda ah markiiba baabuurtii bay ka hoobten dhufeysyana galeen dadkiina hareeraha ka deedeen ugu hareyntiiba dadkii bay lacag ka baarteen sidii cadadooda aheydba dabadeedna dadkii bay rasaas ku fureen waxana ka dhintay labo dumar halka barbuur wadihii iyo cawe oo lasocotay goobdoon Waxaa gaaray dhawacyo yaryar waxana lawayay Goobdoon iyo labo gabdhood waxana dhacay intii dagaalka socday gabalkii halkas oo rafad iyo dhawac ka soo garay Goobdoon guriginna ku yimid.
Lasoco qaybta 2aad

ليست هناك تعليقات:

إرسال تعليق