السبت، 25 أبريل 2020

Ka Faaideyso Ramadaanka

Ramadaanka waa Bisha oogu Kheyrka badan bilaha kale ee Eeben inagu maneystay waana Bil inala amray in aan ooga faaideysano hanaan ka duwan 11 bilood ee ina soo maray . Inta badan waxaynu ku mashqulsanahay Sanadka oo dhan shaqoyin iyo howlo Adunyo .

iskuday inaad 3daqiiqo fakirto dibna aad u baarto waxyabah aad ka ku mashquulinayo adigo soo qadanyo waraaq iyo qalin siaad u qorto , manta waa malin kaduwan malmihii aad soo martay waxaadna qanban karta ama aad kaga faideysan karta malmihii tagay adigo ka faideysanayo waxyabahan soo socdo anigo ku bararujinayo nafteyda iyo naftada waxyabaha ku habbon inaan ooga faideysano Bishaan barakeysan .

1. cibaado ; markasta waa wax muhiim ah cibadada Alle waana shey lagaga bahanyahay inaad ka latimaado markasta lakiin mahan ula jeedkeyga kaliya bishaan cibaadeyso ee waa inaad la timaada ama aad sameysa cibaado badan wuxuuna ahaa Nabigeena NNKH iyo Asxaabtiisa kuwo sameeyo cibaado Bishaan ka duwan Bilaha kale , sidokale waxan waqti badan ku lumina Arimaha Adunyada taa macnaheedu mahan in aad shaqo laimaneynin lakiin waxaa tahay mid qasaray haddi aad Rabbigada xariirkiisa goysid ama kugu yaraado waxana kamid ah waxyabaha kheyrka badan ;
- inaad Quranka dhameysid 1 man 2 mar 
- inaad sadaqo badan bixisid malinkii/isbuuci 
-inaad Tarawiix ama Salatu Laylka tukato 
- inaad istiqfaarta badiso 

2. Iskuday inaad kor u qaadid Awodahaga Aqoon iyo hormarineed ; mahan dhibatada Bishaan ee ka faideysi laantada soonka owgiis ee waa in aadan u maamulin hanaan ku habbon awoodaada dadaal sida maalmaha kale iskuday inaad malinkii u qaybiso 4qaybood ;

hurdo , inaad seexatid waqti kugu filan lakiin aana lamid ahayb waqtiyadii ina soo amaray kuna beeg waqti kaduwan waqtig aad awooda u leedahay inaad wax barato ama aadv shaqeyso .

cibaadeyso waqti kabadan waqtiyadi hore adigo laimanayo Quran akhris , tasbiix , tarawiix iyo duco .

shaqeyso oo iskuday inaad latimatid sababkasta oo kuu sahli karo helida quudka ama nolol maalmedkada adigo u radinayo waddo xalaal ah Rabbina waydiisanayo in uu ku sahlo maxa yeelay majiraan wax aan loo ordin ee sisahlan aad ku heleysid haddan sikale kugu dhigo Rabbigena wuxuu ina amray inaan la nimaano sababka . 

Naso oo wax cun  maxa yeelay awood uma helysid gaardda yoolka noloshada hadadan daneynin naftada sidokale laqado wati wanaagsan xaskada ama caruurtada ama walidkada maxayelay waxa ku sugan kheyr iyo naxariis badan u dhimrintoda .

3. Samme wax cusub ; Ramadanka waxad sameyn karta wax kaduwan bilihii kale ee ina soo maray waxayna taa macnaheedu yahay inaad la imaan karto wax cusub ee noloshada faida way u ah waxa ka mid ah ;
- la soo dag App ama progaram tafsiirka Quranka karimka adigo dooranaya midka oogu habbon ama kuu sahli karo inaad fahanto hadal Eebe weyne .
- ka samme gurigaada Masjid ; waxaad ogtihiin in maanta Calamka isusocodka iyo aadida masjidka suurta gal ahayn cudurka covid19 awadii. tan waxay ku dhiiri galineysa in aad xamasa galiso inta kale ee kula joogto siay kuugu soo biiraan waxayna tacliin u tahay caruura yaryar iyo Hawenka siay u bartaan una sameyaan isku xirnaan .
- xifdi Surad ama 3suradood ; mahan wax sahlan inaad barato ama aad xidido Quranka kariimka lakiin kaga faideyso inaad maskaxda siiso iyo waqti yar Quranka kariimka .
- Akhri kitaab ama Buuk kor u qaadayo Diintada ; waxa muhiim ah markasta inaad leadahay silsilad akhris ah lakiin Rmadanka waxa habbon inaad kaga faideysatid kitabada Diinta ah adigo Murajaceynayo ma Baro Masalo Diini ah sida waxyabaha soonka quseeya .

4. Kubadal Musalsalka koorsoyinka ; dawashada xayeysiinta Musalsalka waxay qadataa hal saac iskada dawashadiisa oo 30 sac ah waxadna kaga faideysan karta korso barshada kunbuyutarka ah ama luuqadaha ah ama wax aad u maleyneysid in uu faido badan kuu leyahay .

5. iskuday inaad xirtid ama aad yareysid isticmalka Baraha Bulshada ama waxyabaha aad aadka u isticmashid ; tan waxay fursad kuu siineysa inaad ka faideysatid waqtigii badna ee aad ku qadanjirtay ku dhuminta wax aan faaido kuu leheen , waxa kalo dhici karo inay jiraan waxyaabo noloshada haleykaro sida dawashada filimanta xaranta ah taa oo kugu reebeyso naceybka aad naftada u qabto mid aadan waliga cafin doonin .

waxaan ku soo gabagabeynaya inaad latimadid hanaan aad kaga faideysan kartid waqtigada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxan ku rajeynaya inay ku anfici doonan taloyinkan .
Ramadaman kariim  



ليست هناك تعليقات:

إرسال تعليق