الاثنين، 27 أبريل 2020

Muhiimmadda waxbarashada ee isbadalka Dalkeena

 Maysan aheyn wax sahlan in Nabigeena NNKH la'amray inuu wax akhriyo asagoo ahaa Ummi aan waxba akhriyin , sidokale maysan aheyn mid sahlan in Aayadii oogu horeysay aheyd Suratul Qalam sidokale maysan aheyn in Nabigeena uu ku tilmaamay raadinta Cilmiga mid ino fureyso Al-babka Jannada .

Qaab nooce ah ayaan ku tilmaami kartnaa hanaanka waxbrasho ee Dalkeena hooyo ? midkebaa muhiimsan isbadalada Siyaasiga ama hagaajinta Tacliinta ? .

Waxbadan oo aan iskudayay inaan ka ogaado heerka waxbrasho ee Dalkeena waxaa iimuuqday arimo badan oo aan meeshan ku soo koobi karin ayadoo ayjirto in jahwareer dhibaato badan ee Dalkeena uu dhexdabalanayay 30kii sano ee lasoo dhafay lakiin waxa murug wayn igu dhalisay in hanaanka koobad ee Dal iyo Dadba ay ku hormaraan aan hilmaamnay taas oo keentay in inteena badan Badaha isku shubaan inta kalana ay Qori ku ugaarsadan dadka walalahod .

Ayado manta calamka kukala horeeyo hananka Dowladanimo lakin waxa muhiim ah in aan dib u milicsano waxa sababay in ay noqdaan dad nidaam leh inta badan jawabta saxda ah waa inay heersare ka gaareen hormarka tacliinta taa oo u sahashay inay ka soo baxaan noocyo kala duwan ee waxbarshada waxay kalo manta awood u leyihiin in ay isku filnaan karaan majaalkasta ee nolosha ka mid ah . waxaan qoromadaan yar kugu la wadaagaya hanaanka looga bahanyahy inuu dalkeena kaga baxo mugdiga iyo isqabqabsiga ina daahsaday .


Wax Barshada Joogtada ah ; manta waxa kaliya ee Dowladah ree Galbeedka inoga horeyaan waxa kamid ah iney leyihiin hanaan tacliimeed ee joogta ah yacnii in ay leeyihiim majaal ama goobo gaar ah ee aduunka kula tartamaan . taa macnaheedu waa inay awoodan wax soosar cayiman taa oo wax kula tartami karo aysan jirin .
tan waxay ku suurobeysa in aan maanta loo furo dhalinta taas oo ka dhigeyso mid dhiiri galiso soona saareyso dhalin awood u leh siyasadda cafimaadka dhaqaalaha macalinimadda ...iwm.

waxakalo muhiim ah inaan inaan dib u fiirino fikradda ah dib u yagleelidda siyaasi wanaagsan waxaa ka dhasho hormarinta tacliinta maxa yeelay suurtagal mahan in lahelo siyasad hormarto ayado ay heerka waxbarsho aad u hoseeyo 50% wax kabadan ay dadka waxba aqoonin .

heerka waxbarsho ama baaga muudo waa mid dalkeena caalamka kalinta hore ooga jiro sidokale dib u yaglelidda Dowlad loo dhanyahay waa mid aan suurta gal aheyn inta uu xaalka sidaan yahay.

Hadafka waxbarsho ; inta badan waxay Mu'asasaadka waxbarshada ee kaladuwan dhiiri galiyaan wax xifdinta taas oo ay u arkaan in hormar looga gaari karo heerarka waxbarsho lakiin waxa intoda badan ay lumiyaan ama aysan qayxeynin hadafka taclintaas taas waxay inta badan ardayga ku dhalisa inusan waxbarshadii dhameystiran maxaa yelay suurta gal mahan in heerarka kala duwan oo dhan wuu wax un xifdiyo ama uusan u qorneyn waxaa uu hiigsanayo .

hadafka waa aas aaska waxbarsahada waxana muhiim ah inay u cadahay Ardayga , Walidkiisa , Macalinkiisa iyo Dowladda . tan waxay suura galineysa in yagleelidda nolosha saxda ah.


الأحد، 26 أبريل 2020

Wax akhri Ranadaanka


Wax Akhri waa Kalimadii oogu horeysay ee Nabigeena NNKH lagu soo dajiyay waxayna ka dhigantahay Ogeysiis in Hormarka Nolosha Aadanah Aas aas u yahy wax Akhrinta , Cilmigu waa hagaha nolosha Addun iyo Akhriba qofkii wax ubarto inuu hormar ka gaaro Addun iyo Akhro wuxu u dhawanaya Eebe weyne SCW .

Jahliga waa Mugdiga inagu tuuro dhibatada iyo horey usocod la'aanta . iskuday inaad wax akhrido malinkasto ugu yaraan 30 daqiiqo ama 1 sac waxad yagleeli kartaa inaad waxbadan gaartid ee noloshada kamid ah , sidokale u yeel naftada Maktab aad wax ka akhrisatid adigoo barayo ilmahaga inaad u kexeysid ama aad bartid hanaanka wax akhriska .

inta badan hadii aad dareentid in aadan waqtigada ka faideysan ama aad ka qooma meyso waqti kaa tagay ama aad dib dhaca Dalkada iyo Dadkada aad dareento hadaba ha aaminin in ay jiraan Ree Galbeed inagu soo duulay ee waxbadan ka ogow dib dhaca wax akhrin la'aaneyd ee Naftada iyo dadka aad la noshahay kadib isku day inaad waxbadan ka badali kartid .

qofkasta oo muslim ah waxaa qasab ku ah inuu kaalmeyo/saacideyo walaalkiis kale ee muslimka ah lakiin waxa jiro kaalmo ama saacideyn ka weyn midda walalka muslimka ah ee inala amray waana Naftaada . hadii aadan saacideyn Naftada qof ku saacideynayo maloho yacnii iskudaay inaad wax akhrido ama aad kobciso naftada kadib gaar yoolka nolosha aad ka leedahay , sidokale raadi fursadaha shaqo ee aad helikartid adigoo naftaada barayo hananka aad ku heli laheyd shaqo .

waxa jiro in inta badan oo dadka kamid ah aaminsanyihiin Ibdaca ama inaad wax cusub latimadid ku xirantahy inaa tahy qof maskax leh lakiin mahan xaqiiqda sidaas maxa yeelay waxkasta waxay ku xiranyihiin inaad la timaadid iskuday iyo baritaan ama barasho . qofkasta oo waxbadn naftiisa bara wuxuu awooda inuu waxbadn ikhriraaco .

Guusha waxay leedahay hanaan loo maro ama shuruud ay muhiim tahay inaad latimaadid waxana kamid ah inaad tahay akhriste wanaagsan sidokale waxan jiro 3shardi ay muhiim tahy inaad yelatid :
1. jaceyl ; hadii aad isku daydid inaad baratid waxadan jecleyn waad baran karta lakiin suurta gal mahan inaad inaad kaga hormartid dadka kale ama aad kaalin muhiim ah ka gaartid . hadaba iskuday inaad jeclatid waxa aad jeceshahay .
2. rabitaan xoogan ; hadii aadan hibo ama aadan ujeen jeneyn waxa aad rabtid surtagal mahan sidokale inaad guul ka gaartid .
3. fursad ; iskuday inaad aadid ama aad joogteysid melaha aad fursadaha hormarkada aad ku gaari kartid haisku xirin durufaha iyo mesha aad ku noshahay taas mahan mid waliga kula soconeyso .

Nolosha aan ku noolnahay waa mid tartan inagula jirto taasna waxa ina barayo Nabigeena NNKH wuxuuna yiri '' ka faideyso shan ka hor shan noloshada kahor intadan dhiman , cafimadkada inta aadan jirran , hodontimadada inta aadan faqiirin , firaqadada inta aadan mashqulin , dhalanyarnimadad inta aadan duqobin '' .

Tartanka uu Nabigeena csw ina baray waxaa kaliya ee ooga faideysan karna waa inaan kor u qaadno wax akhriskeena iyo aqoonta nafteena . ka faideyso Rmadanka oo Akhri waxbadan iskuna day inaadnoloshada wax kabdashid . 

lawaddag si asxabtada si'aan kor oogu qaadno wacyiga iyo hormarka nafteena walalaha kale .
MAHADSANID 



السبت، 25 أبريل 2020

Ka Faaideyso Ramadaanka

Ramadaanka waa Bisha oogu Kheyrka badan bilaha kale ee Eeben inagu maneystay waana Bil inala amray in aan ooga faaideysano hanaan ka duwan 11 bilood ee ina soo maray . Inta badan waxaynu ku mashqulsanahay Sanadka oo dhan shaqoyin iyo howlo Adunyo .

iskuday inaad 3daqiiqo fakirto dibna aad u baarto waxyabah aad ka ku mashquulinayo adigo soo qadanyo waraaq iyo qalin siaad u qorto , manta waa malin kaduwan malmihii aad soo martay waxaadna qanban karta ama aad kaga faideysan karta malmihii tagay adigo ka faideysanayo waxyabahan soo socdo anigo ku bararujinayo nafteyda iyo naftada waxyabaha ku habbon inaan ooga faideysano Bishaan barakeysan .

1. cibaado ; markasta waa wax muhiim ah cibadada Alle waana shey lagaga bahanyahay inaad ka latimaado markasta lakiin mahan ula jeedkeyga kaliya bishaan cibaadeyso ee waa inaad la timaada ama aad sameysa cibaado badan wuxuuna ahaa Nabigeena NNKH iyo Asxaabtiisa kuwo sameeyo cibaado Bishaan ka duwan Bilaha kale , sidokale waxan waqti badan ku lumina Arimaha Adunyada taa macnaheedu mahan in aad shaqo laimaneynin lakiin waxaa tahay mid qasaray haddi aad Rabbigada xariirkiisa goysid ama kugu yaraado waxana kamid ah waxyabaha kheyrka badan ;
- inaad Quranka dhameysid 1 man 2 mar 
- inaad sadaqo badan bixisid malinkii/isbuuci 
-inaad Tarawiix ama Salatu Laylka tukato 
- inaad istiqfaarta badiso 

2. Iskuday inaad kor u qaadid Awodahaga Aqoon iyo hormarineed ; mahan dhibatada Bishaan ee ka faideysi laantada soonka owgiis ee waa in aadan u maamulin hanaan ku habbon awoodaada dadaal sida maalmaha kale iskuday inaad malinkii u qaybiso 4qaybood ;

hurdo , inaad seexatid waqti kugu filan lakiin aana lamid ahayb waqtiyadii ina soo amaray kuna beeg waqti kaduwan waqtig aad awooda u leedahay inaad wax barato ama aadv shaqeyso .

cibaadeyso waqti kabadan waqtiyadi hore adigo laimanayo Quran akhris , tasbiix , tarawiix iyo duco .

shaqeyso oo iskuday inaad latimatid sababkasta oo kuu sahli karo helida quudka ama nolol maalmedkada adigo u radinayo waddo xalaal ah Rabbina waydiisanayo in uu ku sahlo maxa yeelay majiraan wax aan loo ordin ee sisahlan aad ku heleysid haddan sikale kugu dhigo Rabbigena wuxuu ina amray inaan la nimaano sababka . 

Naso oo wax cun  maxa yeelay awood uma helysid gaardda yoolka noloshada hadadan daneynin naftada sidokale laqado wati wanaagsan xaskada ama caruurtada ama walidkada maxayelay waxa ku sugan kheyr iyo naxariis badan u dhimrintoda .

3. Samme wax cusub ; Ramadanka waxad sameyn karta wax kaduwan bilihii kale ee ina soo maray waxayna taa macnaheedu yahay inaad la imaan karto wax cusub ee noloshada faida way u ah waxa ka mid ah ;
- la soo dag App ama progaram tafsiirka Quranka karimka adigo dooranaya midka oogu habbon ama kuu sahli karo inaad fahanto hadal Eebe weyne .
- ka samme gurigaada Masjid ; waxaad ogtihiin in maanta Calamka isusocodka iyo aadida masjidka suurta gal ahayn cudurka covid19 awadii. tan waxay ku dhiiri galineysa in aad xamasa galiso inta kale ee kula joogto siay kuugu soo biiraan waxayna tacliin u tahay caruura yaryar iyo Hawenka siay u bartaan una sameyaan isku xirnaan .
- xifdi Surad ama 3suradood ; mahan wax sahlan inaad barato ama aad xidido Quranka kariimka lakiin kaga faideyso inaad maskaxda siiso iyo waqti yar Quranka kariimka .
- Akhri kitaab ama Buuk kor u qaadayo Diintada ; waxa muhiim ah markasta inaad leadahay silsilad akhris ah lakiin Rmadanka waxa habbon inaad kaga faideysatid kitabada Diinta ah adigo Murajaceynayo ma Baro Masalo Diini ah sida waxyabaha soonka quseeya .

4. Kubadal Musalsalka koorsoyinka ; dawashada xayeysiinta Musalsalka waxay qadataa hal saac iskada dawashadiisa oo 30 sac ah waxadna kaga faideysan karta korso barshada kunbuyutarka ah ama luuqadaha ah ama wax aad u maleyneysid in uu faido badan kuu leyahay .

5. iskuday inaad xirtid ama aad yareysid isticmalka Baraha Bulshada ama waxyabaha aad aadka u isticmashid ; tan waxay fursad kuu siineysa inaad ka faideysatid waqtigii badna ee aad ku qadanjirtay ku dhuminta wax aan faaido kuu leheen , waxa kalo dhici karo inay jiraan waxyaabo noloshada haleykaro sida dawashada filimanta xaranta ah taa oo kugu reebeyso naceybka aad naftada u qabto mid aadan waliga cafin doonin .

waxaan ku soo gabagabeynaya inaad latimadid hanaan aad kaga faideysan kartid waqtigada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxan ku rajeynaya inay ku anfici doonan taloyinkan .
Ramadaman kariim  



الجمعة، 24 أبريل 2020

ما هي بلوغر

السلام عليكم ورحمة 
في موضوع اليوم سنتحدث عن بلوغر وما هو حقيقته ؟      فبلوغر هي مدونة لنشر المعلومات دات اهمية كبيرة وهي من اكبر منصات عالمية تساعدك علي تحصيل مجهوداتك ونشرها  بواسطة جوجل وتم إنشائها 13 آب 1999 بواسطة pyra وبعدها شركة Google pyra lab .
تقدم لك هذه المنصة عبر google عدة إمكانيات نشر  وتصميم المحتواك علي كتابة مقالات ذات أهمية كبيرة بدعم شركة google وحفظ معلوماتك الشخصية والمشاركة النائيةالتلقائية وفعلا هي منصة أعجبتني جدا. 
اذا كنت من مخترعي العالمي سواء كنت مبتدأ ام محترفا فلا تفوتنك هذه المنصة التي توفر لك مجهوداتك ، فما عليك إلا بتنزليها واستعمالها حاسوبك أو بهاتفك الشخصي فازر جوجل واكتب blogger.com .

والسلام عليكم

الأربعاء، 22 أبريل 2020

GORFEYTA BUUKA . GARBADUUBKII GUMEYSIGA

Diyarinta: abdulazee rooble Mohamed
Magaca buugga: GARBADUUBKII GUMEYSIGA qoraaga faarax maxamed j."cawal"
Taarikhda laqoray :1978
Nooca: taarikhda soomaliya iyo halyeeyaddi iyo garbaduubkii gumeysigii faransiiska Talyaaniga ingiriiska iyo xabashida
Buuggan Waxaa qoray faarax maxamed jaamac 《cawal》waxaana soosaray wassaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Akadeemiyaha dhaqanka sidda ku xussan.
Faarax maxamed jaamac wuxuu tacliinta hoose ku soo qaatay magaalada cadmeed, hase ahaate wuxuu kasoo dhoofay 1952 wuxuu magaalada hargeysa ka galay Dugsiga farsamada gacanta wuxuuna markale u aaday dalka ingiriiska magaalada london (1959-1961) halkas buuna ka qaatay shahaado ingiriis ah "Chelsea college automobile ". Buuggan ma aho kii oogu horeeyay uu qoro wuxuuna horey uqoray buug magaciisa layiraahdo "aqoondarro waa unacab jaceyl " ee soo baxay 1974kii

HORDHAC
Sidda aan kor ku soo xusay buuggan magaciisa waa "GARBADUUBKII GUMEYSIGA" waxaadna ka dhadhamineysa in uu xanbarsanyahay farrin horey aad u maqashay iyo midkaleba .
Ayadoo qaarada afrika ama sida looyiqiin waa yihii hore qaaradda madow Qoraxdiyo dayaxu kaga soo baxaan badweynta badweynta hindiyo taaso looyiqiin waagii hore "land of punt " ama dadkii moxorka iyo waydiga oo udgoonka badnaa . Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed.
Sida la ogyahay Waxaa ku nool geeska afrika dad soomaaliyeeda nasiib wanaag dad isku mid ah isku diin isku dhaqan ah oo isku dhiig ah waxayna ahaan jireen dad ku noola qaarumo fara badan nabad iyo nolol markii laga soo bilaabo shirqolkii Barliin 1884 ee qaaradda afrika reer yurub ku qaybsadeen (scramble of Africa) illa qarnigi 20aad asago u qaybiyay 5 qaybood .
Haddaba ayaddo ayaha soomaliyeed sidaas yahay muddo qarni ku dhow ayaa waxa u waheliyay cadadis iyo Hagar damooyin lagula kacay iyo dhaqan guurin sidda afrikada kaleba laqabtay wax taarikh ahna laga qorin aana ka aheyn mid uu ajnabiga qoray taas oo dubaqa dad ka soomaaliyeed galeyn una adeegeyso danaha ajnabiga , waxaana suurta gal aheyn in ay dadkii waagas ayna tariikhda qorin sababtoo ah afka soomaliga oon waagaa qorneyn awadeed intii ka horeysay kacaanka hanti wadaagga ahaa .
Waxaa soo jiren ah in dadka soomaaliyeed isuga tabin jireen tarikhda muridda iyo suugaanta oo malin walba dareenka dadweynaha iyo waxa xaal aduun yahay cabbirijiray.
Sidaa owged Buuggan ku magacaban "GARBADUUBKII GUMEYSIGII " isku xirayaa wixii tagay oo tariikhda dadka soomaaliyeed iyo waxa jooga iyo murugada ay qabto kana dhashay dulmiga loogeystay illa iyo manta taagan oo kala furfuray wadajirkooda una ugeysteen fransiis Talyaani ingiriiska iyo xabashhida inkastoo ay kala waxyeelo yareen in ingriiska oogu daqaro waaweynaa oo wixii soomaali gaaray afar meelod saddsax buu mas'uul ka ahaa markuu heshiisyo xaqdarro layeeshay dadka soomaaliyeed halka xabashhidana layeeshay soomaalon waxba ka ogeyn 1884 1887 iyo 1948 1954.
Waxan dhihi karaa buuggan asago isku day yahay haddana wuxuu soo koobaya gumeysigii iyo imbeeryaalayaddi isku soo kaashaday dalka soomalia iyo halgannaddi ay kala hortagtay wuxuuna dhexmaray Oday da'weyn oo lagu magacaabo samakaab Colaad oo ku noolaa howdka xabash
idda dadka soomaaliyeed ka heysato waxayna dhexmartay asaga iyo inan uu dhalay oo lagu magacaabo Goobdoon waxana ka afeefanayaa in aan buugan waqti aan ku soo goobo helin lakin aan in badan oo qaybo ka qori doono .
TAARIKHDII UU BUUGGA KU BILOWDAY
Goobdoon oo fasax ah :
Waxay ku bilabadtay sidda tan
Ayadoo barqo gaban tahay oo cirka cusubyahay iyo dabeyl foore oo saxansaxa udgon lihina xagga konfur barri ka dhaceyso ayna dayr barwaaqo ahna tahay ayaa Gobdoon oo 28jir ah baabuur niisan ah oo shacab leeyahay ka raacay Hargeysa isagoo u jeeday reerkoodii oo yaalay meel miyi ahaa oo xagga kaga began xuduuda MOLIHI wuxuuna ahaa in ingiriiska wax ku soo bartay asagoo dowladda ooga shaqeynayay Hargeysa waxaana baabuur ka wadde ka ahaa Nin layiraahdo Heybe dhunkaal wuxuuna ahaa nin sheekoyinka iyo murtidda aad u yaqiinay waxana jirtay sheeko dhex martay asagga iyo Goobdoon kuna bilabatay in nin Goobdoon u ekaa qiso qabsatay oo xabadhidda sixun u dileen iyo sheeko kale oo ku dhacday nin soomali ah oo dameer loo maxkamadeeyay oo goob joog loo ahaa kuna muteystay dil waagii danbe .
Wuxuu sheekaddi soowaba Waxaa lasoo galay habeyn nimo iyo dhulkii ay xabashadda haysatay wuxuuna Heybe dhunkaal dadkii u sheegay in meel qatar lasoo galay in lais difaacana larabo wuxuuna hadalkii ku bilabay " walalayalow waad ogtihiin meesheynu soo galnay waa dalkeenii hase ahaate col iyo cadaawe bahalkii xabashiyeed baa daggan oo dadkii soomaliyeed ku dhacda malin walba markaas haddey ina maagan waa inaynu iska celinaa waxeynu ku dagaal galeynaa gabaygii uu yiri faarax nuur :
"Lix halkaad ku joogtan dagaal laabta ka ogaada haddi luqunta laydin jaro lugaha meermeersha "
Waxayna ku dhaheen waatahay nagu halle waxba innagama qaadeysee lakin nasiib markiiba waxa ka horyimid 5baabuur oo ciidan xabashidda ah markiiba baabuurtii bay ka hoobten dhufeysyana galeen dadkiina hareeraha ka deedeen ugu hareyntiiba dadkii bay lacag ka baarteen sidii cadadooda aheydba dabadeedna dadkii bay rasaas ku fureen waxana ka dhintay labo dumar halka barbuur wadihii iyo cawe oo lasocotay goobdoon Waxaa gaaray dhawacyo yaryar waxana lawayay Goobdoon iyo labo gabdhood waxana dhacay intii dagaalka socday gabalkii halkas oo rafad iyo dhawac ka soo garay Goobdoon guriginna ku yimid.
Lasoco qaybta 2aad

شهر رمضان

اولا وقبل كل شيئ الحمد لله حمدا يليق بكماله وعطمته له الحكم من قبل ومن بعد والصلاة والسلام على من لا نبي بعده وعلى اله واصحابه وسلم اما بعد. 
بمناسبة شهر رمضان المبارك اشارك معكم بكل فرحة وسرور وبخالص النية كمحب لكم بالخير والسعادة والسرور ودوام الصحة والعافية كما اهنئ للعالم الاسلامي وبجميع اصدقائي واحبتي ووطني الصومال ووطن الثاني المغرب الحبيب بمناسبة شهر الرحة والغفران شهر القرءان شهر فيها ليلة خير من الف شهروتنزل الملائكة بالرحمات حتي مطلع الفجر قال سبحانة 

 بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
إِنَّا أَنْزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ (1) وَمَا أَدْرَاكَ مَا لَيْلَةُ الْقَدْرِ (2) لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ شَهْرٍ (3) تَنَزَّلُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ فِيهَا بِإِذْنِ رَبِّهِمْ مِنْ كُلِّ أَمْرٍ (4) سَلَامٌ هِيَ حَتَّى مَطْلَعِ الْفَجْرِ (5)
واهنئ لجميع رؤساء الدول العربية والاسلامية بولادة شهر رمضان المبارك اولهم رئيسي محمد عبد الله فرماجوا والملك المغرب الحبيب محمد السادس 
 ادام الله صحتكم واعزكم  كما اطلب الله لجميع العالم ان يرفع عنا هذا الوباء وان يعيدنا الي اعمالنا . 
اسئل الله ان يديم لكم خير هذا الشهر المبارك باليمن والخير والبركات والامن والسلام فنعم المولي ونعم النصير .